Muqdisho,(insidesomalia.org)- Madaafiic dhowr ah ayaa xalay xilligii saxuurta lagu garaacey fariisimo ay degen yihiin ciidamada Itoobiyaanka ee Magaalada Muqdisho,waxaana kamid ah goobaha Madaafiicda lagu garaacay ex warshadii hore ee Baastada oo ay degen yihiin ciidamo Itoobiyaan ah.
Madaafiicdan lagu garaacey Warshadii hore ee baastada ayaan la ogeyn qasaaraha ka dhashay, iyada oo dhinaca kalena Ciidamada Itoobiyaanka ay ayagana Madaafiic tureen,kuwaasi oo larumeysan yahay in ay ku dheceen gobo ay dad rayid ah deganyihiin.
Dhinaca kale, Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan wadada maka Al-Mukarama ayaa lagu soo waramayaa in ay rasaas fureen, wax yar kadib markii halkaasi lagu dilay nin sida la sheegay rayid ahaa.
Magaalada Muqdisho ayaa ah meel maal walbo ay dad rayid ah ay ku dhintaan,kuwaasi oo dadka dilayaaan lagaraneynin,dadka shacabka ah eek u nool Magaalada Muqdisho ayaa waxey dhaxda ugaleen kooxo ka horjeeda Dowladda iyo Ciidamada Iyoobiyaanka ah ee Dowlada caawina.